Dhaanto Alla qalbigayga iyo laabtaay

Dhaanto:Yarta Dheereey Iyo Cali Dhaanto

Dhaanto:Ma Wardheertaan Jeclaa

Dhaanto:Afmadoobeey Xagay Aaday

Dhaanto:Dhaxyar Dhuuboy Dhamaystiraneey Sodhawoow

Dhaanto:Bogaygaa Kutabay Badhatamaha Habeenkii

Xuska Qoomiyadaha Shucuubta Ethiopia oo ay Marti Galinayso DDSI(Lama Hilmaamin Amaanka)

Dowlada Degaaanka Soomaalida Ethiopia ayaa marti galinaysa Xuska Maalinta Qowmiyadaha Shucuubta Ethiopia taas oo ku beegan 29 hidar ama 3/12/2013-ka ayaa waxay xukuumada DDDSI oogu Diyaar Garowday Dhan kaste.

Dowlada ayaa midha dhigtay dhamaan imkaaniyaadkii lagu soo dhawayn lahaa shucuubta Ethiopia iyo waliba Qurba joogta Degaanka iyo waliba marti sharaf kasocotaDowladaha Dariska ah.

Xuskaasi waxaa lagu wadaa in ay kasoo qayb Galaan Saxafiyiinta oogu Magac Dheer Soomaalida iyo Waliba Saxafiyiinta Dowlada Deegaanka ee Kusugan Qurbaha kuwaas oo lagu wado in ay soo Caga dhigtaan Degaanka Maalmaha Soo socda.

Dowlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa heegan sare oogu jirta sidii ay ooga midha dhalin lahayd dhamaan waxii loogu Diyaar Garoobi lahaa Xuskaasi iyada oo Bilicida Magalada Jigjiga Kor Looqaaday islamarkaana lagu soo kordhiyay Mashaariic Hormarineed oo anaan Horay ooga Jirin.

Waxaa sidoo kale Heegan Sare Lagaliyay laamaha amaanka ee hogaanka u qabtay in ay caga dhigto Nabad Galayada DDSI Kuwaas oo habeen iyo maalinba u tagaana sugida Amniga.

Ciidanka Dowlada ee Gaarka ah ee Liyuu Police-ka iyo Dhmaaan qaybaha Kaladuwan ee Ciidanka Dalka ayaa iyaguna ka qayb qaadan Doona ilaalinta Amaanka.

Wakalaada Wararka ee Dowlada Degaanka Soomaalida Ethiopia qaybaheeda kaladuwan ee maqalka iyo muqaalka iyo qoraalka ee DDSI Media Group ayaa idiin soo gudbin doona dhamaan waxa kasocda DDSI.

 

Nagala soo xidhiid Eamil:allddsi2@gmail.com, isha wararka xaqiiqda ah ee Dowlad Deegaanka Somaalida Ethiopia madoonaysaa in xaysiis lagugu sameeyo ganacsigaaga nagala soo xidhiidh emailka kor ku xusan

WARARKII